Saturday, July 12, 2025

Siciid Deni oo Digniin Culus ka bixiyay Qorshihii ay soo jeediyeen Midowga Musharixiinta

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa ka hor yimid, kana digay qorshe ay soo jeediyeen Midowga Musharixiinta oo ku saabsanaa in la isugu yimaado shirweyne Qaran oo lagu dhiso Gole dalka ka badbaadiya Boobka Doorashada.

Deni oo xalay xilli dambe ka hadlayey magaalada Baydhaba oo uu uga qeyb halay xuska sanadguurada saddexaad ee markii uu xilka qabtay Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-gareen ayaa dhaliilay gadka xiligan doonaya in Goleyaal dalka laga sameeyo.

Kuwa dhahaya nidaamkan ha la iska daayo oo Golayaal hala sameeyo waa dad raba in ay Teendhadii Carta ay dalkan ku celiyaan waana Khatar. Fikirkaas anigu wan ka digayaa, laakiin wixii khaldan in la saxo ayaa loo baahan yahay…” ayuu yiri Siciid deni oo hadalkiisu si toos ah ugu socday xubno ka mida Midowga Musharixiinta.

Arrintan ayaa jawaab u ahayd eedeyn culus oo xubno ka mida Midowga Musharixiinta ay dhowaan u jeediyeen Golaha Wadatashiga Qaran oo ah in madaxda Maamul Goboleedyada ay qeyb ka yihiin Boobka Doorashada.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sidoo kale isna ahayn Gole sharci ah oo Dastuuri ah, waxayna dadka qaarkii ku sheegeen inuu la mid yahay Golaha badbaadada ee lagu baaqay in la dhiso.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON