Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay fashilka ku yimid Shirkii Madaxda dowladda federaalka iyo Dowlad goboleedyada iyo inuu mas’uuliyadeeda leeyahay Farmaajo.
Wareysi uu siiyey VOA-da ayuu Siciid Deni, ku sheegay in shirka jaraa’id ee wasiir Dubbe uu ahaa mid hore u duuban oo lasii diyaariyey, shirkuna la isku mari waayey arrinta awoodaha madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, balse uu codsaday inuu la-tashi sameynayo.
Wuxuu sheegay inay soo jeediyeen in shirka Wadatashiga ay ka qeyb galaan Musharixiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ay ka qeyb galaan maalinta koowaad, ayna soo jeedintooda sameeyaan, maalinta xigana uu noqdo shirkii caadiga ahaa ee xirnaa, sidoo kalena laga doodo marxaladda kala-guurka ah iyo awoodaha dowladda si doorasho loo aado iyadoo mas’uuliyadaha ay kala qeybsan yihiin.
“Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday waa ku dhegan yahay kursigii waa ku dhegan yahay in lagala hadlana ma rabo.. lagama hadli karo amniga doorashada anaa madaxweyne ah, lagama hadli karo 8-da Febraayo wixii ka dambeeyay, lagama hadli karo Doorashada anaa sidaan rabo u qabanaya, haddii aan arrimahaas laga hadleynin, waan garan weynay waxa shir doorasho looga hadlayo…” ayuu yiri Deni oo in albaabkii wadahadalka lasoo xiray ku tilmaamay rajo beel in lagu diro umadda.
Wuxuu sheegay in Farmaajo lagu kari waayey wax lala ogyahay, wax aan lala ogeyn sababtuu donayo waa in anagoo nool uu been naga sheego oo nagu sifeeyo wixii Alshabaab lag sifeyn jiray ee jid iyo jaho diid.

DHAGEYSO WAREYSIGA DENI EE VOA