Sunday, June 22, 2025

Siciid Deni oo safar laba toddobaad ah ku qaatay Imaaraadka Carabta iyo xogta laga helay

Deni ayaa noqday mas’uulka ugu weyn Soomaalida ee sida joogtada ha u taga Imaaraadka Carabta, kuna qaata waqtiga ugu badan

Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland ayaa soo gabgabeeyay safar muddo laba toddobaad qaatay oo uu ku tegay dalka Imaaradaka Carabta.

Siciid Deni ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garowe ee xarunta Puntland, iyadoo ay halkaasi kusoo dhoweeyeen Madaxweyne Ku-xigeenka Dowadda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo xubno kale.

Ad

Safarrada Madaxweynaha Puntalnd ee Imaaraadka ayaa u badna qarsoodi, Ma jirin wax war ah oo Madaxweyne Deni ka bixiyey socdaalkiisii ugu danbeeyay e dalka Imaaradka Carabta oo uu si joogto ah u tago, waxayna wararku sgeegeen inuu la xiriiray arrimaha doorashada Soomaaliya.

Siciid Deni ayaa ah hoggamiyaha Soomaalida ee xilligan ugu dhow dalka Imaaraadka Carabta, isagoo intii uu xilka qabtay ku dhowaad 20 jeer booqday Imaaraadka, waxayna safarradiisu qaataan in ka badan toddobaad.

Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo aanu weli shaacin, waxaa la tuhunsa tyahay inuu tageero ka helayo Imaaraadka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON