Sunday, July 6, 2025

Siciid Deni oo ugu danbeyn laga sugayo Dhuusamareeb iyo Dib u dhac ku yimid xilligii loo qabtay Shirka

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa noqday mas’uulka ugu danbeeya ee laga sugayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug oo lagu waday inuu shalay ka furmo shirkii madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Waxaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, waxaana sidoo kale gaaraya daqiiqado gudahood Guddoomiyaha Gobolka Banadir Cumar Maxamed Maxamud (Filish), waxaana hore ugu sugnaa madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha iyo madaxda saddexda dowlad Goboleed ee Galmudug, Hirshabelle iyo K/Galbeed.

Madaxweynaha Deni ayaa laa filayaa inuu galabta tago magaalada Dhuusamareeb, taasoo ka dhigan in imaanshaha shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo ay madaxda lagu casuumay ku qaadatay 2 maalmood, iyadoo shirka loo qabtay inuu socdo 1 ilaa 3-da Febraayo 2021.

Shaki ayaa laga qabaa in heshiis lagu gaaro shirka Dhuusamareeb 4, waxaana ka dhex muuqda isbaheysiga madaxweyne Farmaajo iyo maamul Goboleedyada qaarkood, kadib markii uu xalay kulan hordhac lagu sheegay la yeeshay saddex maamul goboleed ee taageersan dowladda Federaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON