Friday, August 7, 2020
More

    Siciid Deni: “Waxaan leeyahay Madaxweyne Farmaajo Arrintaas haka digtoonaado…”

    Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo ka hadlay dhacdooyinkii la xiriiray is-casilaadii Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, isagoo digniin u diray madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo uu sheegay inuu ku tuntay Dastuurka.

    Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyay Munaasabadda 22 guurada kasoo wareegatay dhismaha Puntland ayaa sheegay inay sharci darro ahayd qaabkii ay xukuumadda dhacday u ansixisay Golaha Adeegga Garsoorka oo ah Hay’ad weyn oo ah awoodii saddexaad ee Cadaaladda dalka.

    Ad

    “Waxaan u baahanahay Dowladda Soomaaliya inay ixtiraamto dastuurka, maalmihii u dambeeyay waxaa socda xadgudubyo dastuurka oo dhowr ah.. xukuumaddii dhacday ee sida sharci darada lagu riday waxay saxiixeen Golaha Adeegga garsoorka oo ah hey’adda saddexaad ee aas aaska u ah sharciga oo uu ka dhalan doono maxkamadda dastuuriga ah, sida sharci darada loo maray iyagoo awood laheyn inay saxiixaan oo garyaqaanadii ka qeyliyeen oobulshadii rayidka ka qeylisay .. waxaan leeyahay madaxweyne Farmaajo arrintaas haka digtoonaato..” ayuu khudbadiisa ku yiri Madaxweynaha Puntland.

    Wuxuu sheegay inaan Bartoolka lagu degdegin, isagoo beesha Caalamka uga digay in ciddii iibsata hantida Soomaalida oo aanay heshiis ku ahayn ay iyada mas’uul ka noqon doonto. Dowladda Federaalka ayuu sheegay inay 4 bilood u hartay, isla markaana aysan go’aan ka gaari karin arrimo kale oo kaliya laga rabo Doorasho inay waqti geliyaan.

    Madaxweynaha Puntland wuxuu rajo ka muujiyey in dib loogu laabto Shirkii Dhuusmaareeb, isagoo dheegay in markii hore ay ku tageen niyad wanaag, bale hadda ay la tegi doonaan xisaabtan adag oo kala dhaxeeya dowladda Federaalka, mar haddi ay ku ciyaareen niyad wanaagii hore.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    144,490FansLike
    1,846FollowersFollow
    5,563FollowersFollow
    144,490FansLike
    1,846FollowersFollow
    5,563FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!