Friday, July 11, 2025

Sidee Cali Yare u sheegtay inuu ka badbaaday Qaraxii is-miidaaminta ahaa..?

Ninka ku magacaaban Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa sheegtay inuu ka badbaaday Qarixii Is-miidaaminta ee ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho.

Daqiiqado kadib qaraxa, iyadoo warbaahinta ay sheegtay in lala beegsaday kolono UN ah, ayaa qaar ka mida warbaahinta xiriirka la leh waxay shaaciyeen inuu Qaraxa ka badbaaday Cali Yare, balse muddo kadib ayaa la ogaaday inay taasi ahayd sheegasho khaldan.

Cali Yare oo hoggaamiyaha taageerayasha baraha Bulshada ee Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Farmaajo ayaa Wareysi kooban oo Cali yare lala yeeshay waxa uu ku sheegay, isagoo ku mashquulsan telefoonkiisana inuu maqlay qarax weyn, isla markaana aanuu ogeyn wax uu sheego iyo wax uu ka ogyahay wixii dhacay.

Arrintan ayaa hadal heyn ka dhalisay Baraha bulshada, kadib markii ay noqotay mid lagu maadsado inuu si khaldan qof u sheegto qarax uu ka badbaaday. Dad badan ayaa sheegay in xilliga qarax dhacay uu Cali Yare ku farriin ku qorayay Facebook.

Cali Yare ayaa markii danbe tegay goobta qaraxa, halkaas oo uu saxaafdada kula hadlay wuxuuna sheegay in cidda la beegsaday la baari doono, isaguna uu marayey meel ka shisheysa, una dhow goobta qaraxa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON