Thursday, April 18, 2024

Alshabaab oo War kasoo saartay Cidda ay la beegsatay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa (Sawirro)

Qarax culus oo is-miidaamin aha ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu beegsaday kolonyo ka tirsan hay’adaha UN-ka oo mareysay jidka 21 Oktoobar, ee degmada Waaberi meel u dow iridka laga galo garoonka Diyaaradaha.

Qaraxa ayaa wararku sheegayaan in ilaa 17 qof (8 Dhimasho iyo 9 Dhaawac) ay ku waxyeeloobeen Qaraxa, oo ay ku jiraan arday qaraxa la kulantay iyo dad kale shacab ah, waxaana dhaawac ahaan goobta looga qaaday9 qof.

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxa, waxaana war kasoo baxay lagu shaaciyey inuu qaraxu ahaa Camaliyad is-miidaamin ah oo uu fuliyay is-miidaamiye ka tirsan Alshabaab, ayna la beegsadaeen kolonyo gaala Caddaan ah oo ku socdaalayay agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Ad

Warar kale ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday Shikadda gaar loo leeyahay oo ka shaqeysa howlaha amniga ee Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo xubno ay galbineysay.

Mid ka mida Gawaaridda aanay xabbadu karin ayaa ku burburay qaraxa oo ahaa mid aad u xoog badan oo waxyeello badan gaarasiiyey dhismooyinka ku dhow goobta qaraxu ka dhacay.

May be an image of car and outdoors
May be an image of 6 people, people standing and outdoors
May be an image of 3 people, car and road
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON