Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qaatay go’aankii lagu dilay taliyihii ciidamada Qudus ee ilaalada Kacaanka Iiraan Jen. Qaasim Suleymani, iyadoo tallaabadaasi ay ahayd mid aan lag fileyn oo xitaa ka yaabisay mas’uuliyiintii ugu dhowaa Trump.
Wargeyska LosAngeles Times ayaa maanta qoray xog ku saabsan daqiiqadii ugu danbeeyay ee Trump amarka ku bixiyey dilka Jen. Qasimi oo markaas uun ka degay Garoonka Diyaaradaha magaalada Baqdaad, isagoo ka yimid dalka Syria, iyadoo ay jireen qorsheyaal kale oo loo bandhigay.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Sirdoonka Mareykanka uu in muddo ah ku daba jiray Jeneral Qasim Suleymaani oo ka howlgeli jiray dalalka Syria, Ciraaq, Lubnaan iyo dalal kale, iyadoo socdaalladiisa aysan muddooyinkii danbe ahayn kuwo qarsoodi ah, laakiin arrinta la yaabka leh ayaa ahayd in Trump uu doortay duqeyn lagu dilo Jen. Qaasim Suleymani, taasoo ay ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq ku fuliyeen laba Gaari oo uu la socday oo mid waliba Gantaal ay la heshay diyaarad Drone ah.
Kooxda Madaxweyne Trump kala talisa dhinaca amniga markii ay ugu tageen xarunta uu ku nasto ee Gobolka Florida midkoodna ma aaminsaneyn in Trump uu qaadan doono tallaabo lagu dilayo Jeneraal Qaasim oo kale, waxaana la siiyey warbixin ku saabsan duqeyn ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen Syria iyo Iraq oo lala beegsaday maleeshiyo taageero ka hesha Iiraan.
Xoghayaha arrimaha dibadda Micheal Pompeo, difaaca Mark Esper iyo taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka Gen. Mark Milley ayaa Trump u tegay, kadibna warbixintii la siiyey ayuu liis dheer oo tallaabooyin ka la qaadi karo ah ka doortay dilka Gen. Qasim Suleymani, taasoo ka yaabisay saraakiisha ugu dhow Trump.
Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa ku qasbanaatay inay fuliso dilka Jeneraalka reer iiraan oo laga War hayey inuu ka socdaalayo magaalada Dimishiq, kuna sii jeedo Baqdaad, taasoo ka mid ahayd safar dheer oo dalalka Bariga Dhexe ku mari lahaa.
Madaxweynayaashii hore ee George Bush iyo Brack Obama ayaa la sheegay inay iyagoo talaabadan qaadi kara ka gaabssadeen, kana Wararka ayaa sheegaya-wareegeen si aysan isugu dhicin iiraan.