Goobjooge.com ayaa ogaatay in Qorshaha Amniga Qaranka (Somali National Security artichecture) uu yahay qorshe dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ay ka danbeeyaan.
Qoraal ay ku saxiixnaayeen labada safiir ee Mareykanka iyo UK u jooga Soomaaliya Stephen Schwartz iyo David Concar ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dalabka qorshahan u gudbisay labada dal, waxayna sheegeen in qorshahan ay lagama maarmaan tahay in taageero looga helo maamul goboleedyada dalka si looga dhigo mid loo dhan yahay.
Qoraalka labada safiir oo Goobjooge.com ay heshay ayay ku sheegeen in markii la doortay madaxweyne Farmaajo ay kala hadleen, isaguna uu soo dhoweeyay, isla markaana taageeray inuu qorshahaasi la sii wado.
Si qoshaha warbixin looga helo oo la isugu xiro dhinacyada dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa seminaar ka dhacay magaalada Nairobi labada safiir waxay ku casuumeen la-taliyeyaasha sare ee madaxd dowladda federalka iyo hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada inay isugu yimaadaan.
Qorshaha ammaanka ee Somali National Security artichecture ayaa markii dambe muran ka dhex dhaliyay dowladda Federaalka iyo Baarlamaanka Soomaaliya markii uu soo shaac baxay laguna shaaciyay heshiiskii dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ee Muqdisho ka dhacay 16-17 April 2017.
Waxaa ka hor yimid Guddiga difaaca Baarlamaanka, waxaana loo yeeray Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, iyadoo markii danbe lagu heshiiyay in qodobo asaasi ah iyo shuruudo loo dhigay qorshahan, lagana ansixiyo Baalamaanka.
Dalalka ugu tunka weyn ee xaaladda Soomaaliya gacanta ku haya ee US iyo UK ayaa si buuxda u diyaariyay qorshahan, sida qoraalkan iyo qoraalo kale muujinayaan, waxaana meesha laga saaray doorkii Baarlamaanka Federaalka, iyadoo labadan dal ay muhiimad siiyeen maamul goboleedyada, isla markaana ay ka dhaadhiciyeen madaxweyne Farmaajo inuu aqbalo qaabka qorshaha loo diyaariyay.
HOOS KA AKHRI QORAALKA LABA SAFIIR EE UK IYO US KASOO BAXAY
U GAARA GOOBJOOGE.COM