Siyaasiyiin iyo xildhibaano ku kacsan dowladda Soomaaliya oo ku shiray magaalada Nairobi ayaa soo saaray qodobo ay ku dhaliileen dowladda uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxayna soo jeediyeen qodob culus.
Siyaasiyiintan oo ay ka dhex muuqdeen xildhibaano ka tirsan labada Gole ayaa bayaanka ay soo saareen oo saxaafadda loo akhriyey waxaa lagu sheegay in dowladda hadda jirta ay caburin ku heyso siyaasiyiinta iyo xisbiyada siyaasadda, taasoo keenay inay dalka dibaddiisa ku shiraan, waxaana xukuumadda Soomaaliya lagu eedeeyay inay ku fashilantay nabadgelyada guud ee dalka iyo gaar ahaan tan caasimadda.
Qodobbada ugu muhiimsan ee kulankaasi laga soo jeediyay waxaa ka mid ahaa:
1- In siyaasiyiinta iyo xisbiyada siyaasadda ay la kulmeen Caburin iyo culeys oo keenay inay dalka gudihiisa ku shiri waayaan.
2- Inuu faraha ka baxay Amnigii dalka oo xukuumadda ay ku fashilantay arriamha sugidda amniga, gaar aahaan caasimadda Muqdisho.
3- Inay jirto wadashaqayn la’aanta ka dhaxeysa Dowladda Dhexe iyo kuwa Federaalka ah oo dib u dhac weyn keentay.
4- Inuu istaagay dagaaladii lagula jiray argagixisada iyo Alshabaab oo dowladu ku mashquushay caburinta dadka ka fekerka duwan.
5- Inay dowaldda keligeed wadato arrimaha dib habeynta Dastuuka iyo Doorashooyinka oo aanay muuqan suuragalnimada doorasho qof iyo cod.
6- In dowladda Soomaaliya ay joojisay wadahadalkii Soomaaliya iyo Somaliland.
8- Waxa madaxweynaha lagula taliyey inuu soo dhiso xukuumad cusub oo meesha ka saaro xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre
Xubnaha ka qeyb galay waxaa ka mida Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa, guddoomiyaha xisbiga Ileys Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, safiirkii hore ee Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameerika iyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada xukuumadii KMG ahayd ee Cabdinuur Sheekh Maxamed, Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo xubno kale.

