Dadkii ugu horeeyay Soomaalida kasoo qaxday colaadda dalka Suudaan ayaa saaka kasoo degay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho
Muwaadiniintan oo gaaraya 18 qof ayaa laga soo daadgureeyay dalka Suudaan, waxayna la socdeeb diyaaradda Daallo ee kasoo degtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Dadkan ayaa soo gaaray magaalada Buluja ee ku taalla Xuduudka dalka Sudaan la leeyahay Koofurta Suudaan, halkaas oo looga soo qaaday Diyaarad qaas ah oo ay leedaha dowladda Kenya.
Soomaali badan ayaa weli ku xayiran dalka Suudaan oo toddobaadkii labaad ay ka socdaan dagaallada u dhaxeeya ciidamada Milateriga dalkaasi iyo Ciidamada Birmadka degdega, waxayna qaarkood gaareen xuduudka Suudaan iyo Itoobiya.
