Tuesday, July 1, 2025

Su’aal Culus oo ka dhalatay Farmaajo oo sheegay inuu Mushaarkiisa 2 Bil ugu deeqay Gurmadka Abaaraha

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war uu so osaaray uga hadlay abaaraha ba’an ee ku dhuftay, iasgoo ku yaboohay inuu bixinay omushaarkiisa laba bilood.

Farmaajo ayaa sheegay in qeybo badan oo dalka ka mid ah ay ku habsadeen Abaaro ba’an oo galaaftay naf iyo maal ba, sababayna xaalad bini-aadannimo oo degdeg ah, waxaana qoraal ay soo sartay madaxtooyada lagu yiri:

“Isagoo dhiirrigelinaya in la garab istaago shacabka tabaalaysan ee waxyeelladu ay ka soo gaartay abaaraha weli ka taagan Dalka ayaa Mushaharkiisa Madaxweynenimo ee Bilaha Nofeembar iyo Diseembar ugu deeqay howlaha gurmadka dadkeenna Soomaaliyeed ee la dhibaataysan Abaaraha ka jira Dalka”

Su’aal culus ayaa ka dhalatay sharcinimada mushaarka uu madaxweyne ahaan ku qaato Farmaajo, iyadoo uu muddo 8 bilood ah sharci darro ku joogo Villa Somalia, isla markaana xilkiisa sharciga ahaa uu ku ekaa Febraayo 8, 2021.

Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa noqday madaxweynihii ugu waqtiga dheeraa ee kursiga iska fadhiya markii uu dhammaaday muddo xileedkiisa, kadib markii uu ku fashilmay muddo kororsi 2 sano ah oo uu isku dayey bishii April 2021.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON