Thursday, July 3, 2025

Daahir Geelle: “Villa Somaliya ayaa masuul ka ah hagardaamada Jawaari loogu diiday xuquuqdiisa Doorasho”

Wasiirkii hore ee warfaafinta, ahna musharax Madaxweyne Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya ay ka dambeysay, mas’uulka ka tagay sidii sharci darrada ahayd ee tartanka kursiga xildhibaan looga reebay Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Isagoo galabta booqasho sharafeed ugu tagay Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Mohammad Jawaari ayuu sheegay inuu doonayey inuu wax ka ogaado xaaladihi ugu danbeeyay ee ka soo qabsaday hannaan doorashadeedkan gurracan iyo safarkii uu Baydhabo ku tagay.

Daahir Geelle wuxuu shaaciyey inay u baxeeny labo arrimood oo waawayn oo kala ah:

1. Doorashooyinka in ay ku socdaan hannaan baalmarsan dastuurka, sharciga, qaanuunka iyo sooyaalka suubban ee ay Soomaalida leedahay. Wax la xurmaynaayo oo diin, akhlaaq, mudnaan, ama waayeelnimo ah in aysan jirin!

2. IYy In Villa Somalia ay wali hormuud ka tahay dabindaabyada, iyo duminta hannaanka dimuqraadiyadda, ayna masuul ka tahay hagardaamada Maxamed Sheekh Cusmaan loogu diiday xuquuqda muwaaddin kasta uu leeyahay ee ah in uu xilalka guud ee dalka isu soo sharraxo, oo loo doorto ama wax u doorto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON