Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya inuu weli socdo dadaalka lagu doonayo in dableydii Alshabaab laga sifeeyo Hotelka Villa Ross ee magaalada Muqdisho.
Weerarka Hotelkan oo qarax ku bilowday xalay fiidkii ayaa waxaa la xaqiijiyey inay gudaha u galeen saddex dableyd ah oo hubeysan, kuwaas oo tan iyo xalay ay la dagaalamayaan ciidamada Amniga Dowladda Federaalka.
Waxaa guud ahaan xiran aagga Hotelka, iyadoo loo aanay cidna geli karin, sidoo kale ma jiro ilaa iminka war kasoo baxay Hay’adaha Amniga dowladda Federaalka, waxaana weerarka ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Waxaa weli Hotelka laga maqlayaa rasaas iyo qaraxyo iyadoo dableyda Alshabaab ay weli ka dhex dagaalamayaan in ka badan 17 saacadood, waxaana dadka ku dhaawacmay ka mida wasiirkii Amniga, waxaana ku dhintay dad kale oo tiradooda aan la caddeyn.
Ciidamada Gaashaan ee gaarka ah, kana mida NISA ayaa ku jira howlgalka ka socda Hotelka Villa Rosa, iyadoo aysan weli ku guuleysan inay soo gabagabeeyaa weerarka socda.
Waxaa jira su’aalo badan oo la iska weydiinayo weerarka, iyadoo ay baraha bulshada hareysay dood ku saabsan sida Dableyda Alshabaab ku gaareen Hotelka oo ku yaalla degaanada ugu amniga badan ee ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya.
Siyaasiyiin, khubaro amni iyo dad kala duwan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Alshabaab loo fududeeyo weerarka Hotel deris la ah Madaxtooyada Villa Somaliya, waxaana la dalbanayaa isla xisaabtan iyo in saraakiisha Amniga tallaabo laga qaado.
