Tuesday, June 24, 2025

Taageerayaasha Farmaajo oo si weyn uga carooday tallaabo uu qaaday Madaxweynaha Galmudug

Taageerayaasha madaxweynaha waqitigiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si weyn uga carooday tallaabo uu qaaday Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Arrintan ayaa timid markii uu Qoorqoor soo magacaabay 4 xubnood oo uu ku bedelay shantii xubnood ee laga saaray Guddiyada Galmudug ee Doorashada, isagoo xubnaha uu magacaabay ay ka mid noqdeen laba xubnood oo taageersan Mucaaradka, siiba Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Guddiga Xukuumadda u saartay kala shaandheynta xubnaha cabashada laga keenay ee Guddiyada Doorashada ayaa meesha ka saaray xubno uu ka mid yahay: C/weli Nuur Faarax oo si weyn ugu dhow Farmaajo, iyadoo madaxweyne Qoorqoor uu soo magacaabay xubno ay ka mid yihiin: Ayaan C/raxmaan Maxamuud iyo Mahad C/llaahi Maxamuud oo la sheegay inay ahaayeen gacan-yareyaasha Kheyre iyo xildhibannada Beesha Murusade ee mucaaradka ah.

Taageerayaasha Farmaajo ayaa degdeg cabasho uga keenay arrinan, waxayna warbaahinta ka cambaareeyeen tallaabada uu qaaday Madaxweynaha Galmudug, iyagoo Ra’iisal wasaare Rooble ugu baaqay inuu arrintan soo farageliyo.

Baraha bulshada ayaa waxaa qabsaday taageerayaasha Farmaajo oo si weyn uga horjeeda ugana naxay in Guddiga Doorashada Galmudug lagu soo daro xubno ay ka mid tahay Ayaan C/raxmaan oo si weyn loogu yiqiin dhaqdhaqaaqii looga horjeeday muddo kororsiga.

Waxaa Guddiyada Doorashada ee maamul Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo K/Galbed ku jira ka mida xubno ay soo magacawday Madaxtooyada Soomaaliya iyo Taliska NISA oo taageersan Farmaajo, laakiin waxaa soo baxday in shaqsiyaad kooban ay cabsi weyn ka muujinayaan taageerayaasha Farmaajo.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa warar soo baxaya ay sheegeen inuu heshiis hoose la galay dhinaca mucaaradka, taasoo keenay inuu xubno caan ka ah mucaaradka kusoo daro Guddiga Doorashada ee Galmudug.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON