Tuesday, June 24, 2025

Taliyaha Booliska oo shaaciyay tirada rasmiga ah ku dhintay Qarixii Is-miidaaminta Scuola di polizia

Taliyaha xilka sii haya ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa shir jaraa’id ku qabtay Dugisga Tababarka Ciidanka Booliiska Soomaaliya ee qaraxa is-miidaaminta ah saaka ka dhacay.

Wuxuu sheegay Taliyahain weerarka is-miidaaminta ah uu fuliyay nin soo xirtay waxyaabaha qarxa oo ka yimid dhismo ku dhow xarunta oo dadka barakacayaasha ah deganaayeen, kana sameysan Kartooman iyo Baco, wuxuuna intaas raaciyay inuu soo dhex galay ciidamada oo Quraac u fadhiyey.

Taliyaha Booliska ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 18 Askari, 15 kalane ay ku dhaawacmeyn ayna yihiin shahiid, wuxuuna intaas ku daray in dhacdadan ay cashar u noqon doonto ciidamada oo dhan.

“Anagu qarin meyno ciidankii naga dhintay, waa shahiidiin alle ayaa naga jeclaaday laakiin cashar ayay noo noqon doontaa waxaana u sheegaya shacabka Soomaaliyeed inaysan wax saameyn ah nagu yeelan doonin, maxaa yeelay waan u diyaarsaneyn dhimasho oo waxaan aheyn Ciidan dalkooda difaacaya” ayuu yiri Taliyaha KMG ah ee Ciidanka Booliska Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON