Tuesday, July 1, 2025

Tiradii ugu badneyd oo loo diiwaan geliyay Musharixiinta Xilka Madaxweynaha (Akhriso Magacyada)

Tirada Musharixiinta isu diiwaangelisay Doorashada madaxweynaha Soomaaliya 2022 ee la siiyey shahaadada musharaxnimo muddo laba maalin ah ayaa sare u dhaaftay 30, iyadoo weli ay socoto diiwaangelinta Musharixiinta.

Maanta oo kaliya 9 May, 2022 waxaa la diiwaan geliyay 22 musharax, iyadoo shalay la diiwaan geliyey 10 musharax, waxayna tirada sida rasmiga ah u qaadatay shahaadada ay gaartay 32 Mushrax oo u tartami doona xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Musharixiinta maanta qaatay Shahaadada waxaa ka mida Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha xilka banneynaya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Waxaa sidoo kale shahaadada musharaxnimo ee xilka madaxweynaha qaatay musharixiin aan la fileyn oo xilka isu soo taagay, kuwaas oo isugu jira dhalinyaro iyo culimo.

HOOS KA AKHRISO LIISKA LA DIIWAAN GELIYAY

1- Shariif Sheekkh Axmed

2- Daahir Maxamuud Geelle

3- Xasan Cali Kheyre

4- Cabdulqaadir Cosoble Cali

5- Bashiir Xaaji Cali (Jamaal)

6- Cabdullaahi Cali Xasan

7- Cabdinuur Sheekh Maxamed

8- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

9- Cabdikariim Xuseen Guuleed

10- Cabdiraxmaan Macallin Axmed Ablaal

11- Xasan Sheekh Maxamuud

12- Saciid Ciise Maxamuud

13- Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi

14- Axmed Ducaale Geelle Xaaf

15- Mahad Axmed Diiriye

16- Muqtaar Maxamed Sayid

17- Fowsiya Yuusuf Xaaji Adam

18- Maxamuud Daahir Aweys.

19- Ridwaan Xersi Maxamed

20- Nucmaan Sheekh Cumar

21- Cumar Cabdiqaadir Axmed

22- Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahwayn)

23- Cabdi Aadan Hoosow

24- Jamaal Axmed Ibraahim

25- Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi)

26- Cabdi Maxamed Kuusow

27- Cabdullaahi Cali Axmed (Caddow Cali Gees)

28- Xuseen Cabdi Nuurow

29- Jabriil Ibraahim Cabdulle

30- Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

31- Abuukar Adan Cabdulle

32- Cabdinaasir Cabdulle Maxamed

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON