Friday, June 27, 2025

Wafdigii Dowladda Somalia u dirtay Garowe oo la kulmay Madaxweynaha la doortay ee Puntland [Sawirro]

Wafdigii ka socday dowladda Soomaaliya ee magaalada Garowe tegay galabta, kadib markii xayiraadii laga qaaday ayaa la kulmay madaxweynaha cusub ee Puntland.

Wafdiga dowlada waxaa hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, waxaana ka mida ahaa xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan xukuumada, waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Garowe kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Puntland.

Kulan gaara ayaa dhex maray wafdga iyo madaxweynaha la doortay ee Puntland Saciid C/llaahi Deni, kulankaasoo ahaa mid hambalyo iyo kala war qaadasho ah, iyadoo kulankaasi uu jawi wanaagsan ku dhammaaday.

Taageerayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay inay sheegtaan madaxweynaha cusub ee Puntland inuu kooxdooda ka tirsan yahay, taasoo aanay jirin cid xaqiijisay, laakiin taas bedelkeed la ogyahay in u janjeeray kooxdaha mucaaradka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON