Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa si toos ah u beegsaday ciidamada mucaaradka ee ku suagn magaalada Muqdisho, isagoo farriin u diray Midowga Mushariixinta.
Farriin ku saabsan xaaladda Muqdisho, ayuu toos ugu diray musharixiinta, wuxuuna ku sheegay in xilligan ay mudnaanta koowaad tahay in Muqdisho laga dhigo meel ciidamada ka caagan oo ana la isku hor fadhin.
“Mudnaanta hadda waa in Muqdisho laga dhigo meel aan ahayn goob milateri; Kuwa doonaya inay door wanaagsan ka ciyaaraan Doorashooyinka waa inay Ra’iisal wasare Rooble ku taageeraan shaqooyinkiisa muhiimka ah..” ayuu farrintiisa ku yiri Wakiilka Midowga Yurub oo hadalkiias ku socda Musharixiinta.
Wuxuu caddeeyay in kala qeybinta Muqdisho iyo maleeshiyooyin ama ciidamo aan iska amar qaadin aysan caawineynin dadka Soomaaliyeed.
Farriinta Nicolas Berlanga waxaa u riyaaqay taageerayaasha xukuumadda, iyadoo uu sii faafiyey afhayeenka xukuumadda, inkastoo hore ay taageerayaasha Farmaajo weerar ugu qaadeen wakiilka markii si adag uga hor yimid muddo kororsigii.
