Wednesday, December 11, 2019
More

    Wakiilka Q/Midoobay oo Axmed Madoobe gaarsiiyey Dalabka Beesha Caalamka ee Doorashada Jubaland [Akhriso]

    Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa markii labaad maanta tegay magaalada Kismaayo isagoo kulan la yeeshay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ay ka wadahadleen xaaladda maamulkaasi iyo doorashada ku soo foo leh.

    Axmed Madoobe ayaa sheegay in kulanka looga hadlay guud ahaan Siyaasada Soomaaliya halka ay marayso iyo si gaar ah Arimaha Doorashooyinka Jubbaland, ayna isku raaceen in Dastuurka la raaco, iyadoo Doorashooyinka Jubbaland looga danbeeyo guddiga Doorashooyinka iyo Odayaasha dhaqanka.

    Ad

    Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa ka tacsiyadeeyay weerarkii ka dhacay Hotel Mediina ee magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay in Qaramada Midoobay ay cambaareyneyso falalka argagixisada ee Alshabaab.

    James Swan ayaa si cad u sheegay inay doonayaan doorasho xor iyo xalaal ah inay ka dhacdo Jubbaland, wuxuuna inuu gaarsiiyey Axmed Madoobe go’aanka adag ee beesha caalamka ka taagan tahay doorashada Jubbaland oo ah inay ku dhacdo shaqaaqo la’aan, waqtigeeda, faragelin la’aan iyo in la raaco nidaam hufan oo aan mugdi ku jirin dadka oo dhanna ay aqbalsan yihiin.

    Wakiilka Q/Midoobay ayaa sheegay in doorasho habkaas ku dhacda ay xoojin doonto nabadda iyo xasiloonida, horumarna ay gaarsiin doonto Jubbaland iyo degaankaasi.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    131,588FansLike
    1,344FollowersFollow
    3,596FollowersFollow
    131,588FansLike
    1,344FollowersFollow
    3,596FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!