Monday, June 23, 2025

WAR CUSUB: Puntland, Jubbaland, Cabdi Xaashi iyo Midowga Musharixiinta oo ku dhawaaqay Madal Badbaado

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in isbaheysiga cusub oo siyaasadeed ay ku dhawaaqeen goor dhoweyd laba maamul Goboleed, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Golaha Midowga Musharixiinta.

Isbaheysigan oo ah Gole Badbaado Qaran ayaa waxaa ku midoobay Madaxda dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi (Siyaasiyiinta Waqooyi) iyo xubnaha Midowga Musharixiinta waxaa ujeedkiisu yahay inay ka shaqeeyaan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah, looga hortegi lahaa Doorasho dhinac ah iyo mid lagu shubto.

Xubnahan ku midoobay Golaha Badbaadada Qaranayaa ka horjeeda qorshaha madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ah inuu xukunka iska sii joogo isagoo waqtigiisu dhammaaday ama uu qabto doorash oo isagu abaabushay. Golaha Badbaadada Qaran waxaa hoggaaminaya Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi.

Ad

Hogaanka Sare ee Golaha cusub ee Badbaadada ayaa kala ah:

1- Gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
2- Shariif Sheekh Axmed.
3- Axmed Maxamed Islaam
4- Saciid Cabdullaahi Deni.

Waa Golihii ugu horeysay ee noociisa ah oo Soomaaliya laga sameeyo intii aga baxay Kumeelgaarka, waxayna caddeyn u tahay in dadaalkii loogu jiray doorasho wadar ogol ah oo dalka ka dhacda aanu fari ka qodneyn.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON