Monday, June 23, 2025

War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Rooble. “Wuxuu si caadi u wataa shaqadiisii…”

War kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay inuu si caadi ah u wato shaqadiisii, isla markaana aanu cidna uga heybeysaneynin gudashada waajibaadkiisa.

“Warka ka soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee khuseeya shaqada Ra’iisul Wasaaraha iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waa tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka, mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri: “Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah”.

Ad

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Alcadaalla ayaa sheegay inuu fashimay afgembigii uu Farmaajo isku dayey. “Afgambigii in uu fashilmay ilaah ayaa ku mahadsan”.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON