Monday, June 23, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Aaska Marxuum Yariisow & Wadooyinka Muqdisho oo la xiray

Waxa magaalada Muqdisho kla socota qabanqaabadii ugu danbeysay ee aaska Qaran ee loo sameynayo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir, ahaana duqa magaalada Muqdisho Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan oo maanta meydkiisa la keenayo magaalada Muqdisho.

Diyaarad gaar ahaa ayaa la filayaa inay kasoo qaado doonta magaalada Doha meydka Marxuum Yariisow, iyadoo ay soo raaci doonaan qoyskiisa oo ku sugnaa magaalada Doha iyo safiirka Somalia ee dalka Qatar, waxaana salaadda Janaasadda lagula tukan doonaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo kadibna lagu aasi doono xarunta Dugsiga Sare ee Booliska Jen, Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu dib u dhac kooban ku yimid diyaaradii soo qaadi lahayd Meydka Marxuum Yariisow, iyadoo dhowr saacadood la filayo inuu dib u dhaco aaska arrimo farsamo dartood, waxaana hore loo filayey in 11:00 barqanimo ay diyaaradaasi kasoo degto Garoonka Muqdisho, balse hadda lagu wado inay galabta kusoo beegan tahay.

Ad

Guddoomiye Yariisow oo ku dhaawacamay qarax xarunta maamulkiisa ee degmada Xamarweyne ka dhacay 24-kii July 2019 ayaa ku geeriyooday isbitaalka Hamad ee magaalada Doha oo loo geeyay dhaawac culus oo kasoo qaaday caoosha iyo madaxa, waxaana xukuumadda Somalia ay magacawday Guddi qabanqaabiya aaska Qaran ee loo sameynayo.

Dhinaca kale waxaa saaka la xiray wadooyinka Muqdisho qaarkood siiba kuwa waaweyn ee muhiimka ah, iyadoo la xoojiyey amniga caasimadda, waxayna arrintan ka dambneysay markii uu xalay qarax miino ka dhacay agagaarka Xerada Afisyoone oo ah wado lagu wado in la marsiiyo Meydka,. waxaana qaaxa lala beegsaday Gaari ay leeyihiin ciidamada Booliska.

Dowladda Somalia ayaan weli soo bandhigin faahfaahin qaraxa ka dhacay xarunta G/banaadir iyo ciddii ka danbeyay, iyadoo su’aalo badan la iska weydiinayo sida qaraxaasi uga dhacay gudaha xarunta maamulka Gobolka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON