Wednesday, July 2, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee Weerarka ka socda Hotel SYL [Xildhibaan la sheegay inuu dhaawacmay & Qaar laga soo badbaadiyey…]

Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu weli socdo weerarka ay dabley ka tirsan Alshabaab ku galeen Hotelka caawa maqribnimadii.

Ciidamada Amniga iyo kuwa Madaxtooyada ayaa la dagaalamaya dableyda gudaha ugu jirta ee ka dhex dagaalameysa Hotelka, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in shan dabley ah oo weerarka qaaray laba ka mida ay dileen ciidamada, halka saddexda kale ay weli rasaas goosgoos ah ridayaan.

Waxaa Hotelka ka badbaaday xubno isugu jira mas’uuliyiin iyo shacab ku jiray xilliga uu weerarka dhacay, waxaana weerarka kadib laga soo badbaadiyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaan weli socda dagaalka ay ciidamadu kula jiraan dableyda.

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu weerarka ku dhawaacmay xildhibaan Maxamuud Cali Magan, halka laga soo badbaadiyey Xildhibaan Axmed Dhegaweyne iyo xildhibaan Jaamac Askar. Waxay kaloo wararku sheegayaan inuu dadka dhaawacmay ka mid yahay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha dowladii KMG ahayd C/qaadir Cali Cumar oo hadda ka tirsan xisbiga Himilo Qaran.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegay in weerarku lagu bartilmaameedsaday hoteelka SYL. Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada amnigu ay dad kasoo badbaadiyeen hoteelka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON