Tuesday, July 1, 2025

Wararkii uu danbeeyay ee Dagaalka Tigray iyo Itoobiya oo beenisay inuu Waanwaan bilaabayo Midowga Afrika

Ciidamada Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay ay la wareegeen magaalooyinka Gobolka Tigray ee Aksum iyo Adwa, iyadoo xukuumadaasi dalkaasina ay beenisay waanwaan la sheegay inuu wado Midowga Afrika.

Afhayeen ciidamada Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in xooggagii Tireega ee kula dagaalamayay magaalooyiinkaasi ay is dhiibeen. Magaalada Aksum ayaa ka mida magaalooyiinka ugu waawayn gobolka Tigrey, halka magaaalada buuraleyda ah ee Adwa sidoo kale lagu tilmaamay magaalo istaraatiji ahaan muhiim ah.

Ma jirto cid madax bannaan oo xaqiijisay sheegashada dowladda Itoobiya oo gebi ahaan jartay Isgaarsiinta iyo khadkii internet-ka ee gobolka Tigray.

Dhinaca kale Midowga Afrika ayaa magacaabay Guddi madaxweynayaal hore ah oo waanwaan ka dhex bilaaba dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Tigreega, Guddoomiyaha xilligan ee Midowga Afrika Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa magacaabay madaxweynayaashii hor ee Mozambique Joaquim Chissano, Liberia Ellen Johnson-Sirleaf iyo South Africa Kgalema Motlanthe.

War kasoo baxay xafiiska xaaladad degdega ha ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed uu la kulmi doono Guddoomiyaha Midowga Afrika, waxaana lagu beeniyey wararka ku saabsan waanwaanta la sheegay inu Midowga Afrika ka dhex bilaabayo dagalaka Tigray.

Waxay kaloo Itoobiya beenisay wararka lagu sheegay in Guddiga madaxweynayasha hore ay tegayaan dalka Itoobiya si ay u dhexdhexaadiyan dowlada Itoobiya iyo Jabhada TPLF, taasoo ay been abuur ku tilmaameen.

Qaramada Midoobey ayaa doonaysa in la sameeyo tub gargaarka bina’aadanimo loo mariyo dadka uu saameeyay dagaalka labada toddobaad u dhaxeeya Militariga fedaraalka Itoobiya iyo xoogagga Tigrey.

Horraantii toddobaadkan ciidamada dowladda dhexe waxay la wareegeen magaalooyiinka Shire iyo Raya. Rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in ciidamadiisa ay iminka kus ii siqayaan caasimadda Tigrey ee Mekelle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON