Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan qasaaraha ka dhashay weerarkii Alshabaab ku qaaday xarunta Otto Otto ee Wasaaradaha Amniga iyo Arrimah gudaha xukuumadda Soomaaliya.
Ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen weerarkii lagu qaaday xarunta Otto Otto, iyadoo dhawaacyada ay kor u dhaafeen 29 kale, waxayna dadka dhintay isugu jiraan shaqaale dowladeed, Ciidamada Amniga, Dableydii weerarka qaadday iyo dad rayid ah oo goobta ka dhowaa.
Madax gaadiidka gurmadka degdegga ah ee Aamin Ambulance Dr. Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aden, ayaa sheegay in 21 qof oo dhaawac ah oo 5 kamid ah yihiin haween ay ka qaadeen goobta weerarku ka dhacay oo ay gaarsiiyeen Isbitaallada.
Masuuliyiinta Dolwadda Soomaaliya weli faahfaahin kama bixin Qaraxyadda maanta Muqdisho ka dhacay, iyadoo muddooyinkii danbe ay madaxda sare ee dalka sheegayaan in la sugay ammaankii caasimadda.
Sarkaal ka tirsan ilaaladda Madaxtooyadda Soomaaliya sheegay in saddex Askari oo ka tirsaaan Ciidamada ilaaladda Madaxtoyadda gaar ahaan Horinta 2aad ay ku dhinteen Weerarkii maanta.
Dableyda Alshabaab ee weerarka qaaday ayaa la sheegay inay ku lebisnaayeen Dharka dharka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Waxayna gaarayeen Afar dableyd ah oo midkood isku dhex qarxiyey xarunta.
Waxaa hadda dhismaha gudihiisa ka socda Howlgal hubin ah oo ay Ciidamaddu wadaan, waxaana laga soo saarayaa dad ku dhintay, qaar dhaawac ah, iyadoo burbur xoog leh uu gaaray xarunta.