Sunday, July 6, 2025

Wasiir saaxiib dhow la ah Farmaajo oo weerar culus ku qaaday Siciid Deni, isagoo kashifay inuu yahay…

Wasiirka Qorsheynta xukuumadda xilgaarsiinta Jamaal Maxamed Xasan ayaa weerar aan hore loo arag oo culus ku qaaday Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni, isagoo shaaciyey inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiir Jamaal oo ka mida wasiirada saaxiibada la ah Maxamed C/llaahi Farmaajo, si aad ahna ugu dhow ayaa farriin uu toos ugu diray Siciid Deni ku sheegay inuu dib u dhigay shaacinta musharaxnimadiisa Madaxweynaha Soomaaliya, si uu faragelin ugu sameeyo Doorashada Puntland.

“Saciid Abdullahi Deni wuxuu dib u dhigay ku dhawaaqista musharaxnimadiisa si uu saameyn ugu yeesh, una farageliyo Doorashooyinka ka dhacaya Puntland. Odayaasha beelaha, wakiillada & musharixiinta baarlamaanka ayaa dhammaantood muujiyey walaac weyn oo ku saabsan heerka ay gaarsiisan tahay wax is daba marinta, cagajugleynta iyo faragelinta uu wado Deni” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiir Jamaal.

Wuxuu Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda xilgaarsiinta Soomalaiya ugu baaqay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni inuu dib uga noqdo faragelinta uu ku hayo Doorashada iyo inuu degdeg u joojiyo gacanta uu kula jiro Guddiyada Doorashada.

“Musharax Madaxweyne Siiciid Deni waa inuu dib uga noqdaa dhammaan arrimaha la xiriira doorashada iyo inuu si degdeg ah u joojiyaa faragelinta arrimaha guddiyada farsamada doorashada. Mar dambe aamusnaan kuma daawan karno faragelinta qaawan iyo dhaawaca loo geysanayo dimuqraadiyadda iyo kalsoonidii maamulka Puntland” ayuu Wasiir Jamaal Maxamed Xasan si kulul qoraalkiisa ugu weeraray Madaxweyne Deni.

Ma aha markii ugu horeysay ee wasiirka Qorsheynta Soomaaliya uu weerarro madaxweynaha Puntland, waxayna arrintan soo baxeysaa iyadoo taageerayaasha Farmaajo ay maalmahan weerar xoog leh ku wadeen Siciid Deni oo ka mida madaxdii fashilisay qorshihii muddo kororsiga ee Maxamed Farmaajo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON