Wasiirkii hore ee Amniga xukuumadda Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA ay ku lug yeelatay dilal ka baxsan sharciga iyo tacadiyo ay ka mid yihiin xarig siyaasadeed.
Xildhibaanka oo ka mida dadka ku kacsan dowladda ay hoggaamiyaan Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in NISA ay dhinac kale u shaqeyneyso muddooyinkii ugu danbeeyay.
“Inkastoo ay amaan mudan yihiin nafhurnimada ciidamadeena dagaalka kula jira Alshabaab. Haddana muddooyinkii ugu danbeeyay waxaan arkayaa inay dhinac kale u socdaan. NISA waxay ku lug yeelatay falal dad lagu dilay oo sharciga ka baxsan, xarig siyaasadeysan oo mucaaradka iyo shacabka lagula kaco, la iskana heysto bilooyin; waana in la baaraa arrintan..” ayuu yiri wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed.
Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo siyaasiyiin iyo xildhibaanno ay madaxda dowladda Soomaaliya u eedeeyeen inay ciidamada NISA u adeegsaneyso qaab siyaasadeed oo ay ku caburiso dadka dhaliila dowladda.