Jawi cusub oo aan hore u soo marin ayuu galay xafiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, kadib markii uu xilka iska casllay Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre 25 July 2020, taasoo ka danbeysay kalsoonidii uu Baarlamaanka kala noqday.
Waxaa xafiiska ku-sime ka noqday ku-xigeenka Ra’iisal wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed markii uu si aan hore loo arag ugu magacaabay Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna si degdega xilkii uga qaaday xoghayihii joogtada ahaa Axmed Nur Cabdi, isagoo u magacaabay wiil ka tirsanaa shaqaalaha Madaxtooyada (C/risaaq Xuseen Caato) oo ay isku dhow yihiin Madaxweynaha, kaasoo laba jeer xilkaasi lagu soo celiyey.
Intii waqtigaasi ka danbeeyay waxaa Shaqaalaha Xafiiska iyo La-taliyeyaashii Ra’iisal wasaaraha ku socday culeys ay saartay madaxtooyada Soomaaliya oo keenay inay xilalkii ay hayeen isaga tagaan dhammaan raggii lasoo shaqeeyay Ra’iisal wasaarihii hore, waxaana xubnahaasi ka mida:
1- Xoghayihii joogtada ahaa ee Xafiska Ra’iisal wasaaraha Axmed-Nuur Cabdi Maxamed – Waa mas’uulka kaliya ee xilka laga qaaday. (Akhriso)
2- Yaxye Cali Hareri -La-taliyihii Ra’iisal wasaarihii hore u qaabilsanaa Arrimaha Siyaasadda – Waxaa dagaal kala hor yimid xoghayaha cusub ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha, sidaasoo uu ku baxay.
3- Cali-Nuur Salaad – Madixii Warfaafinta Xafiiska Ra’iisal wasaaraha, wuxuu shaaicyey inuu xilka isaga tegay, kadib cadaadis ku yimid.
4- Dr. Maxamed Xasan oo ahaa xiiririyaha Tubta Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa isna shaqadii ka tegay oo is-casilay.
5- Liibaan Cabdullaahi Xuseen oo ahaa La-taliyihii Arrimaha Amniga iyo dib u habeynta Ciidamada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa isna xilkii iska casilay, markii uu faragelin kala kulmay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Xafiiska Madaxweynaha
6- Samira Gayd oo ahayd la-taliyaha gaarka ah ee Ra’iisal wasaaraha, ayaa iyaduna xilki isaga tagtay oo banneysay xafiiska.
7- Cabdi Xariir Baaruud ayaa ugu danbeeyay mas’uuliyiintii la shaqeyn jirtay Ra’iisal wasaare Kheyre ee xilka isaga tegay, wuxuuna ahaa La-talyaha gaarka ah ee Ra’iisal wasaaraha.
8- C/raxmaan Shariif oo isna ah la-taliyaha gaarka ah ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay inuu ka haray mas’uuliyiintii la shaqeyneysay Ra’iisal wasaarihii hore, iyadoo la filayo inuu maro jidkii ay saaxiibadii.
La-taliyihii Gaarka ahaa ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo shaqadii isaga tegay (Akhriso)

In xafiisyada dowladda laga nadiifiyo shaqaalihii hore oo mas’uul kasta uu la yimaado saaxiibo cusub, waxay noqotay dhaqan siyaasadeed soo taagnaa tan iyo dowladihii KMG ahaa, waxaana xaaladda Xafiiska Ra’iisal wasaaraha uga sii daray xilligan Madaxweyne Farmaajo oo doonaya inuu isku maamulo labada xafiis, dagaal adagna la galay saaxiibada iyo dhammaan mas’uuliyiintii ku dhowaa Xasan Cali Kheyre iyo Ra’iisal Wasaare Rooble oo isna bilaaba inuu xubno cusub keensado xafiiska.
GOOBJOOGE