Monday, June 23, 2025

Xasan Sheekh Maxamuud oo hoygiisa Magaalada Beledweyne ugu tegay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif [Sawirro]

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalad Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa Hoygiisa maanta ugu tegay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Xasan Sheekh oo magaalada Beledweyne gaaray shalay ayaa sheegay inuu halkaasi u tegay sidii xisbigiisa loo gaarsiin lahaa gobollada dalka, isla markaana uu kulamo ula yeelan lahaa odayaasha iyo dadka reer Hiiraan.

“Maanta waxaan gurigiisa ku soo booqday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif. Ugaaska waxaan ka wadahadalnay danaha Soomaaliya guud ahaan iyo tan degaanka gaar ahaan. Waxaan ka mahadcelinayaa soo dhaweynta iyo qaddarinta aan kala kulmay Ugaaska, maamulka iyo guud ahaan dadweynaha reer Beletweyne…” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ad

Ugaas Xasan oo la duubay xilliyadii ugu danbeeyay dowladii Xasan Sheekh ayaa khilaaf weyn dhex maray isaga Xasan Sheekh markii uu ka hor yimid qorshihii dhismaha maamulka Hirshabeelle, waxaana ugaaska wax war ah laga maqlin tan iyo markii uu madaxweyne noqday Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Image may contain: 3 people, people standing

Image may contain: 3 people, people standing

- Advertisement -

Image may contain: 1 person, sitting

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON