Sunday, July 13, 2025

Xasan Sheekh oo ka hor yimid Qorshaha Farmaajo ee mideynta siyaasadda Itoobiya iyo Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn u dhaliilay qaabka ay dowladda Soomaaliya ula falgashay isbedelka ka socda Geeska Afrika ee ka bilowday dalka Itoobiya.

Isagoo Magaalada Kismaayo uga qayb galay Dood ku saabsan xaaladda Soomaaliya ayuu sheegay in habka dowladda Federalka Somaliya ay u wajaheyso isbedelada ka socda Geeska Afrika aanu habooneyn, isagoo ku dooday inaan xilligan la joogin waqtigii Itoobiya lala midoobi lahaa siyaasad ahaan iyo Dhaqaale ahaanba, wuxuuna taasi sabab uga dhigay inaysan Somalia lahayn dowlad awood leh.

“Anaga iyo Itoobiya xilligan lama dhihi karo siyaasad ayaan kula midoobayaa, waqtigeedana ma aha, dalkaan markii uu dego oo dowlad uu yeesho ayaa la dhihi karaa dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha aan eegno.” ayuu ku dooday xildhibaan Xasan Sheekh.

Wuxuu Xasan Sheekh sidoo kale dood ka keeno kororka miisaaniyadda ee ay sheegtay dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, isagoo yiri: “Sanadkii 2013-kii ayeey soo bilaabatay kororka miisaaniyadda; sanadba  sanadkii ka dambeeyay waay sii kordheysay, korarsiimadii ugu badneynd ee dhaqaale wuxuu dhacay xilligii aan aniga hayey talada, maaliyadda waa meesha dacaayad iyo Barobagaando aanan laga sameyn karin.”.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON