Tuesday, July 8, 2025

Xasan Sheekh oo ka hor yimid xayiraadda Dowladda Somalia kusoo rogtay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna hoggaamiyaha xisbiga UPD Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xayiraadda ay dowladda Soomaaliya saartay Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo iyo amarrada lagu soo rogay diyaaradaha taga magaaladaasi.

“Waa xaalad murugo leh in dowladdu u isticmaasho maareynta hawada sidii hub siyaasadeed oo saameyn culus ku yeelan kara xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada dalka” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud oo qoraal soo dhigay baraha bulshada, waxayna arrintan ka danbeysay kadib markii maanta la joojiyey socdaal uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ku tegi lahaa magaalada Kismaayo.

Wuxuu kula taliyey madaxda dowladda Federaalka inay labo jeer ka fekeraan, kana laabtaan dariiqa hadda wax loo wado. Xasan Sheekh ayaa ka mida madaxda lagu casuumay xafladda caleemo saarka Axmed Madoobe oo mar kale dib loo doortay, balse aysan aqoonsaneyn dowladda Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON