Wednesday, June 25, 2025

Xasan Sheekh oo si Qayaxan uga hadlay kaalinta Fahad Yaasiin ku leeyahay burburinta Dowladnimada

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, haddana ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji inuu burburin ku hayo dowladnimada Soomaaliya.

Isagoo marti ku ahaa su’aalo klagu weydiiyey Barnaamijka Baadi-goobka Hoggaamiye Suuban ayuu sheegay in magaca Milkiilaha dowladda uu yahay mid dhashay dowladda Madaxweyne Farmaajo, loona yaqaan ninka lagu magacaabo Fahad Yaasiin oo hadda ah agaasimaha Hay’adda NISA.

“Milkiilaha la sheegayo waa la wada garanayaa, in aan idiin sheego ayaan rabaa, nin aan saxiibo nahay, dadkanna ay yaqaaniin oo Fahad Yaasiin la yiraahdo waaye. Fahad madaxtooyada ayuu agaasime ka noqday, waa la ogyahay wixii madaxtooyada ka dhacay markii uu agaasimaha ka ahaa, hey’adda nabadsugidda ayuu tagay, waa la ogyahay wixii nabadsugidda ka dhacay, wuxuu kala diray ciidamadii Nabadsugidda, waana uu dumiyey, duminta uu dumiyey iyada keligeed ma dumine ciidamada ku kor dumiyey ciidamadii Booliiska, maantana siyaasadda waxa duminaayo waa isaga, lagana yeeli maayo” ayuu yiri Xasan Sheekh oo qayaxan uga hadlay kaalinta uu dowladdan ku leeyahay Fahad Yaasiin.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay inuu Fahad halaag ka shaqeynayo. “Hoos waan ugu sheegnay, caawana kor ayaan ugu sheegayaa, siyaasadda uu ciidamo xafiiskiisa ah doorashada ayey maamulayaan uu leeyahay, dumin siyaasadeed waaye.. kamana yeeleyo”. ayuuna yiri.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON