Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa ku baaqay inay dadka Muqdisho isugu soo baxaan bannaabax ay ku muujinayaan diidmada dhaqanka keli-talisnimo ee madaxda dowladda Somalia.
“Haddii Xamar isu-socodkii gudihiisa jidgooyooyin lagu xannibay, in madaxdii hore Diyaarad uga baxaana Isbaaro loo dhigtay, wadada kaliya oo furan waa in shacab iyo madaxba banaanka loo soo baxaa (banaanbax nabadeed) si loo muujiyo diidmada habdhaqankaas kalitaliska ah. Kali-talis meel uu addduunka ka joogaba waxqabadkiisa ugu weyn waa ciqaabta dadkiisa iyo u horseedida dalkiisa burbur…” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.
Warkan ayaa yimid kadib markii maanta magaalada Muqdisho lagu xayiray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif sheekh Axmed oo laga hor istaagay inuu u dhoofo magaalada Kismaayo, halkaasoo uu socdaal ku tegi lahaa si u uga qeyb galo caleemosaarka Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Madoobe oo dib u doorashadiisa muran weyn ka dhashay.
“Shalay waxey aheyd Diyaaradaha Kismaayo u socda ama ka imaanaya Xamar ha soo maraan, maantana waa Xamar lagama bixi karo, taasi waa mid ka fog nidaamka dawladnimada iyo shuruucda dalka u taalla. Cidda amarkaas soo rogtay waa in ay ka laabtaan go’aankaas qarriban ee caqliga iyo sharciga midna ku salaysnayn…” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Fiqi oo ka mida xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh