Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in magaalada Garowe ay kulmisay maamul goboleedyada iyo madaxda dowladda Soomaaliya ee khilaafku u dhaxeeyay, wuxuuna madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu kasoo bixi waayey waaijibaadkii saarnaa ee mideynta iyo isku heynta dalka iyo dadka.
Qoraal uu soo diray isagoo ku sugan magaalada Garowe ayuu ku sheegay xildibaan Fiqi in madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaaajo la mid yahay nin xoolo la raaciyey oo isagoo gacmo maran soo laabtay, soona dayacaay xoolihii la raaciyey.
“Madaxweynaha Cusub ee Puntland oo muddo bil ka yar ay ka Soo wareegtay doorashadiisii wuxuu awood u yeeshay inuu isugu keeno hal magaalo iyo hal goob mas’uuliyiin farqi intaas le’eg uu u dhexeeyo taasoo ah mas’uuliyaddii loo igmaday madaxweyne Farmaajo ee uu dayacay!?..” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi oo ka mida xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh.
Xildhibaan Fiqi qoraalkiisa ku yiri: “Madaxweyne Farmaajo markaan dhaqankeena baadiyaha dib ugu laabanno wuxuu u muuqaal eg yahey “nin xoolo la raaciyey, lagana sugayey inuu Soo daajiyo, ayagoo bad qabana reerka dib ugu Soo celiyo balse taa bedelkeeda dayacey ammaanadii loo dhiibay, isla markaana iska Soo hoyday ama reerkii dib ugu Soo noqday asagoon wax xoolo ahi gacanta ugu jirin, ayna intaas u dheer tahay in uusan wax welwel ka qabin waxa uu sameeyey”, taas oo kale marka aalaaba ay dhacdo reerka lagama waayi jirin wiil kale oo fariid ah oo xoolihii Baadi-gooba oo inta raadqaada raq iyo ruuxba wixii harey Soo caymiya.”
Wuxu kaloo is weydiiyay waxa ay noqon doonto khudbadda uu ka jeedin doono xafladda caleemosaarka Madaxweynaha Puntland. “Waxaan is-waydiin mudan dad muddo intaas le’eg aan salaanta iska qaadin, wax wada shaqayn ahina dhexmarin, oo hal meel ku qasbanaaday In duruuftu isugu keento nooca hadalka uu Madaxweyne Farmaajo ka horjeedin doono, kallimaadka uu isticmaali doono, dareenka wajigiisa ka muuqan doona iyo inuu ka faa’idaysan doono gogosha uu fidiyey Madaxweyne Deni iyo In kale ee laga yaabo In aysan dib u Soo noqon mudada yar ee xukunka uga harey!..”