Xildhibaan C/risaaq Maxamed Axmed (Jindi) ayaa gadoodkii ciidan ee ka dhacay magaalada Beledweyne ku eedeeyay inuu ka dambeeyay Madaxweyaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
isagoo. kamid aha mas’uuliyiin tegay magaalada Beledweyne si ay ugu gogol xaaraan tegista madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Guudlaawe ayuu sheegay in iyadoo xaaladda heshiis ku dhowadahay, dadaalna uu socdo ay mar kaliya ka War heleen ciidamo gadooday oo magac loo bixiyey oo ah ‘Badbaado’.
“Waxaan rabaa inaan kuu xaqiijiyo saraakiisa iyo odayaasha iyo dadka gadoodka qaba oo dhan waa hal beel oo hore loo ogaa inay diidan yihiin Dhismaha Hirshabeelle. waxa dhacay waxay ahaayeen rag qorshe fulinaya oo Farmaajo amarkiisa ku socda” ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq Jindi oo wareysi siiyey Idaacadda KNN ee Muqdisho.
Wuxuu intaas ku dray inay shaki la’aan tahay in ciidamada gadoodka sameeyay ay ku socdeen talo ka timid Farmaajo, ujeedkiisuna wuxuu ahaa inuusan Cali Guudlaawe tegin Magaalada Beledweyne si Yuusuf Dabageed uu cadaadis ugu saaro inuu u soo saaro xildhibaannada uu rabo.
