Guddiga Maamulka Doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta dib u bilaabay Doorashada Golaha Shacabka oo muddo hakad ku jirtay, waxaana socota doorashada Afar ka mida kuraasta laga leeyahay Gobolada Waqooyi ee Somaliland.
Kurisiig ugu horeeyay waxaa goor dhoweyd dib loogu doortay Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar oo HOP254 ku fadhiyey afartii sano ee la soo dhaafay. Waxaa kula tartamay Aadan Axmed Nuur Haybe oo ka tanaasulay tartanka Doorashada. Natiijada Hordhaca ah waxa kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#254 Jaamac Maxamed Askar oo helay 99 cod oo gacantaaga ah, codna ma xumaan, 2 qof ayaase ka aamusay.
Jaamac Askar ayaa tageero ka heystay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed, waxaan tanaasulay musharaxii la tartami lahaa, isagoo cod gacan taag ku soo baxay.
HOP255 oo uu ku fadhiyey Xildhibaan Axmed Maxamuud Maxamed, waxaana uga guuleystay Guuleed Biixi Cabdi oo helay 53 cod, halka Axmed Maxamuud uu ka helay 22 cod iyo musharax C/llaahi Biixi Xuseen uu helay 21 cod. Mahdi Guuleed ayaa ololaha ugu weyn ugu jira inuu xubno uu wato kusoo saaro doorashadan.
HOP229 oo uu ku fadhiyo Xildhibaan Cabdullaahi Cismaan Ducaale Sugulle sidoo kale kusoo baxay gacantaag markii doorashada ka haray musharixii la tartami lahaa, isagoo dibna ugu soo laabtay kursigiisa.
HOP262 oo ayaa sidoo kale dib usoo laabatay markii ay tartanka ka baxday haweeney kula qorneyd. Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo shaacisay inay tahay Musharrax Madaxweyne, iyadoo taageero ka heshat Ra’iisal wasaaraha iyo dhinacyada siyaasadda Somaliland.
Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa hore qabtay doorashada 10 kursi Golaha Shacabka, waana guddiga ugu badan ee tiradaas doortay.