Wednesday, July 2, 2025

“Mahdi Guled wuxuu rabay in la daayo, Yasin Fareyna dib loo celiyo” Xubin Kashifay sababtii Rooble u eryay..

Xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo ka daba yimid arrintan ayaa xaqiijiyay inay Kursiga HOP067 aanu saameyn ku lahayn eryida xubnhaa Guddiga

Xubin ka tirsan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ayaa kashifay sababtii ka danbeysan in Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu eryo 7 ka mida xubnaha Guddigaasi.

Cali Maxa,muud Faarax (Cali Seeko) oo ka mida Guddiga, una tartamay guddoomiyaha ayaa sheegay in Rooble uu si shaqsi ah u doonayey in dib loo celiyo kursiga HOP067 e uu kusoo baxay agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin C/llaahi Farey, isagoo guddiga ku cadaadiyay arrintaasi, taasoo sabab u ahayd xil ka qaadistooda.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in Rooble uu doonayey dadaalna u galay in la sii daayo Kursigii uu kusoo baxay Ra’iisal wasare ku-xigeenka Mahdi Guuleed oo sidoo kale dacwo ka taallay, xilligaas oo siduu rabayna ay u meel martay uu raali ka ahaa guddiga.

Cali Seeko ayaa ku dooday inay sharci darro tahay xil ka qaadista uu ku dhaqaaqay Ra’iisal wasaraha, balse wuxuu xaqiijiyey in Hotelkii ay ku jireen Guddiga saacado looga saaray, markii loo adeegsaday ciidamo uu wato wasiirka Amnniga, iyadoo uu ka maqan tahay mushaar laba bilood ah.

Markii arrintan soo baxday waxaa ka daba tegay xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo Afhayeenkiisa uu sheegay in go’aankla lagu eryay xubnaha Guddiga xalinta khilaafaadka aanu saameyn ku lahayn dacwadii ay hore u qaadeen, taasoo ka dhigan inuu ansax yahay Kursiga HOP67.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON