Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa su’aalo badan ka keenay qaraxii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir ee ay ku dhinteen mas’uuliyiin badan oo ka tirsan maamulka Gobolka, kuwaasoo uu ka mid ahaa Guddoomiye C/raxmaan Cumar Yarisow.
Qoraalka xildhibaan Mahad Salaad oo cinwaan looga dhigay: “Dhiiga Eng. Yariisow iyo saaxiibadiis ammaano ayuu ku yahay qof kasta oo mas’uul dowladeed ah!..” ayuu kusoo bandhigay 9 su’aalood oo ku saabsan Qaraxii xarunta Gobolka Banaadir iyo warbixintii hordhaca ahayd ee dowladda Somalia spp saartay Jimcihii oo su’aalo kale dhaliyey, wuxuuna qoraalkiisa u dhigay sida soo socota:
Wasaarada Amniga shalay waxay soo saartay warbixin aan wax nuxur ah lahayn, dhammaystirnayn, kana jawaabayn su’aalo aad muhiim u ah; sida:
1. Qofka meesha isku qarxiyay oo aan la shaacin magaciisa, shaqada uu hayay, sida uu uga soo gudbay goobaha baarista isagoo sita walxaha qarxa ee sidaas u weyn iyo sida uu ku soo galay goobta shirka?
2. Qofka warbixintu sheegtay inuu is qarxiyay, sidee uga mid noqday madaxda gobolka, muddada uu ka shaqaynayay, habka uu shaqada ku soo galay, cidda shaqaalaysiisay iyo habraaca loo maray shaqaalaysiintiisa?
3. Yaa mas’uul ka ahaa baarista albaabada, maxaa tallaabo ah oo laga qaaday saraakiishii gaboodfalkaas amni sameeyay, immisa qof ayaana loo xiray dhacdadaan naxdinta leh?
4. Maxaa loo damiyay kaamarada ku xirneed hoolka shirarka ee qaraxu ka dhacay kahor intii uusan qaraxu dhicin?
5. Saraakiishii yimid goobta qaraxu ka dhacay maxay ula baxeen xog-kaydiyaalkii Kaamarooyinka ku xirnaa xarunta gobolka (Camera Memory), iyadoo ay joogto hay’adii ku shaqada lahayd ee Dambi Baarista (CID)?
6. Saraakiishii ku fashilmay ilaalinta amniga xarunta gobolka Banaadir sidee loogu aaminay in ay qayb ka noqdaan gudigii baaritaanada sameynayay?
7. Ma dhici kartaa inay jiraan shaqaale ama madax kale oo iyagana ka tirsan argagixisada oo wali ka shaqeeya xarunta gobolka Banaadir diyaarna u ah fulinta falal kuwaan oo kale ah amaba ka sii foolxun?
8. Haddii xaruntii gobolka Banaadir ee amnigeedu aadka u adkaa sidaan loo beegsaday, ma dhici kartaa in xarumaha kale ee dowladda in iyaguna ay dayacan yihiin sida: Madaxtooyada, Golaha Wasiirada, Goleyaasha Barlamaanka iyo Garoonka diyaaradaha?
9. Haddii warbxinta aanay dhammaystirnayn, laba todobaad kadib, goorma ayeey soo dhammaystirmaysaa?
Dhiigga Eng. Yariisow iyo saaxiibadiis ammaano ayuu ku yahay qof kasta oo mas’uul dowladeed ah, sidaas daraadeed waa in la sameeyo gudi madaxbanaan oo khibrad iyo aqoon lagu soo xulay, baaritaano tifaftirana soo sameeya, si looga gungaaro xaqiiqada dhabta ah ee masiibadii ka dhacday xarunta gobolka Banaadir.
W/Q; Xildh. Mahad Salad