Waqtigii dheeraa ee Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku qaadatay inuu soo xulo Ra’iisal wasaare bedela Xasan Kheyre waxay dad badan u qaateen inuu raadinayey qof noqda madaxa Ololaha dib u Doorashadiisa.
Magacaabidii Maxamed Xuseen Rooble kadib waxaa dadka qaarkii rajo ka qabeen inuu noqon karo Ra’iisal wasaare kaalintiisa qaadan kara, laakiin markii uu magacaabay Golihiisa Wasiirada iyo Guddiyada Doorashada Heer Federaal waxaa soo baxday inuu qeyb noqday ololaha doorashada Madaxweyne Farmaajo.
Tallaabooyinka ugu waaweyn ee uu qaaday Ra’iisal Wasaare Rooble waxaa lagu soo koobi karaa saddex Qodob oo waaweyn kuwaasoo kala ah:
GOLAHA WASIIRADA CUSUB
Rooble waxaa la xaqiijiyey inuu awoodi waayey inuu xubno ku darsado wasiirada cusub ee uu magacaabay, waxaana la tilmaamay 1 wasiir oo aanu keli ku ahayn inuu ku yeeshay Wasiirada cusub.
Waxaa xilkiisa dib ugu soo laabtay Ra’iisal wasaare ku xigeenka oo loo arko inuu yahay ninka ugu awoodda badan xukuumadda, iyadoo aanu wax isbedel ah ku sameyn xoghayihii Madaxtooyada ka yimid, wuxuuna kaliya xafiiskiisa keenay dhowr xubnood oo beeshiisa ah oo lagu qoray la-taliyeyaal.
DOORASHADA HIRSHABEELLE
Ra’iisal wasaare Rooble waxay daawade ka noqotay maamulka ay Villa Somalia ka dhiseyso Hirshabeelle, iyadoo xukuumadiisa aysan wax door ah ku yeelan, marka laga reebo inay soo saarto qoraallo tageero ah.
GUDDIGA DOORASHADA
Maxamed Xuseen Rooble wuxuu magacaabay Guddiyada Doorashada ee Madaxtooyada iyo NISA soo qorteen, isagoo aan ku yeelan wax kaalin ah oo ka baxdan saxiixa uu saaray, taasoo meesha ka saartay wax kalsooni ah oo lagu qabo karo doorasho ay xukuumaddiisu hoggaamiso.

Arrimahan oo dhan waxay keeneen inay dib u soo noolaato qeylo dhaantii mucaaradka dowladda oo u badan beesha uu kasoo jeedo Ra’iisal wasaaraha, iyadoo laga cabsi qabo inay xiisad cusub ka dhalato sida uu Madaxweyne Farmaajo u maamulayo Doorashada 2020/2021.
GOOBJOOGE