Waxaa soo baxaya calaamado muujinaya in Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ugu danbeyn ku dhawaaqi doono musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kadib muddo sanad ka badan oo uu qarinayey.
Siciid Deni ayaa madaxda Puntland la wadaagay toddobaadkan damaciisa ah inuu u tartamo kursiga Madaxweynaha Soomaaliya, qorshihiisa iyo rajada uu qabo, isagoo laga soo xigtay inuu heysto dhaqaale iyo taageero ku filan.
Haddaba waxaan dib u eegeynaa arrimo dhowr ah oo ay isaga mid noqdeen labada musharax Madaxweyne ee Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Siciid C/llaahi Deni oo hal beel kasoo wada jeeda marka la eego 4.5, haddana iyagoo ah madaxweynayaal maamul Goboleed iyo mid federaal oo xil haya doonaya inay loo doorto Jagada Madaxweynaha Soomaaliya.
1- RAJADA DOORASHADA
Maxamed Farmaajo iyo Siciid Deni wuxuu mid kasta aaminsan yahay inuu heysto fursadda ugu wanaagsan iyo rajada ugu weyn ee uu ku noqon karo Madaxweynaha soo socda ee Soomaaliya. Mid kasta wuxuu aaminsan yahay inuu kan kale halis ku yahay, ayna isugu soo hari doonaan wareega ugu danbeeya ee Doorashada.
Farmaajo iyo Deni waxay dadka ugu dhow la wadaageen in Doorshadan 2022 ay kusoo baxayaan. Farmaajo wuxuu aaminsan yahay in isaga iyo Deni haddii ay isku soo haraan ay Soomaalida kale isaga dooran doonto, halka Deni sidaas oo kale laga soo xigtay in Farmaajo ay dadku aad u naceen oo halkaas fursad weyn ka helayo marka ay tagto in labadooda la kala doorto.
2- DAAHINTA DOORASHADA IYO SOO SAARASHO XILDHIBAANNO
Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu ku caan baxay inuu lug jiidayo doorashada, ka baxo heshiisysadii Doorashada, marna isku dayo muddo kororsi 2 sano ah. Wuxuu intaas dadaal ugu jiray inay dib u dhacdo Doorashada, ama uu xilka iska sii joogo ilaa markii danbe cadaadis ku yimid looga wareejiyey maamulkii Doorashada Bishii May 2021.
Sidoo kale Siciid Deni inkastoo aanu si cad isu muujin wuxuu mar kasta ahaa kan ugu danbeeya ee fuliya heshiisyada doorashada ee lug jiida shirarka, si muddo xileedkiisa Puntland usoo dhowaado ama uu dhinacyo la tartami lahaa meesha uga saaro.
Dhinaca kale Maxamed Farmaajo wuxuu kaloo ka shaqeeyay, welina si xowli ah ugu jiraa inuu soo saarto xildhibaanno isaga taargeersan, isagoo musharixiinta ka horjeeda u adeegsanaya awood iyo in laga hor istaago doorashada.
Qorshahan waxaa sidiisa Farmaajo uga dhaxlay Siciid Deni oo ku howlan in dhammaan xildhibananda laga soo dooranayo Puntland uu isagu keensado, inta badanna uu helo xildhibaannada labada Gole ee kasoo baxya Jubbaland.
3- TAAGEERADA DALALKA CARABTA
Labadan Musharax waxaa kala taageeraya dalal Carbeed oo dhaqaale ku bixinaya Doorashadooda. Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaa sanadkii 2017 taageertay dowladda Qatar, haddana waxay dhaqaale ku bixineysaa inuu mar kale noqdo madaxweynaha Soomaaliya.
Siciid C/llaahi Deni wuxuu taageero buuxda ka heystaa dalka Imaaraadka Carabta, waana hoggaamiyaha Soomaalida ee ugu tegis badan Imaaraadka, taasoo uu marar badan Farmaajo uga dacwooday Beesha Caalamka. Deni wuxuu saaxiibadiis u caddeeyay inuusan ka welwelsaneyn dhaqaale.
4- FASHIL HOGGAAMINEED
Siciid Deni iyo Farmaajo waxay sumcad xumo iyo dhaawacyo siyaasadeed kasoo gaareen sida ay u maareeyeen hoggaanka xilalkii oo doortay ee madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Soomaaliya.
Farmaajo wuxuu lugaha la galay Muddo kororsi keenay dagaal ka dhacay caasimada, kadibna waxaa laga wareejiyey doorshada ilaa markii dambe ay is qabteen Ra’iisal wasaarihii labaad ee uu magacaabay oo hadda u aqoonsan madaxweyne hore, waxayna Beesha caalamka u aragtay nin xukunka isku dhejinaya, caqabadna ku ah nabadda Soomaaliya.
Siciid Deni inkastoo uu horumar ka sameeyay Puntland, waxaa sumcadiisii meesha ka saaray dagaalkii Boosaaso ka dhacay oo tusaale cad u noqday inuu fashil kusoo dhammaaday xukunkiisii Puntland, taasoo noqon doonta boogta ugu weyn ee aan ka harin damaciisa Madaxweynaha Soomaaliya.
5- YAREYSIGA MUSHARIXIINTA KALE
Labada Musharax ee Farmaajo iyo Siciid Deni waxay si isku mida hoos ugu eegayaan musharixiinta Golaha Midowga Musharixiinta ee u sharxan xilka madaxweynaha oo u badan hal beel, waxayna aamisan yihiin inaysan siyaasiyiintaasi oo ay ku jiraan madaxweynayaal iyo Ra’iisal wasaareyaal hore iyo wasiiro inaysan saameyn lahayn.
Deni oo saaxiibo uu kusoo meelgaaray la ahaa Midowga Musharixiinta wuxuu u arkaa inuusan ku jirin musharax la tartami kara oo isaga ka saameyn badan, halka Farmaajo isna iska dhaadhiciyay inuusan jirin musharax halis gelin kara oo aan ka hayn Siciid Deni. (Halkan ka akhriso).

Goobjooge.net