Wednesday, June 25, 2025

XOG: Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo la wareegay mid ka mida Awoodaha Madaxweye Farmaajo

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo u muuqda inuu la wareegay mid ka mida awoodaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare ayaa ku dhaqaaqay tallaabo ay saameyn ku yeelan karaan ansixinta miisaaniyadda dowladda iyagoo ansaxsaday qaraar ay soo diyarsadeen oo ku saabsan inay qeyb ka noqdaan ansixinta Miisaaniyadda arrintaas oo aan ka mid ahayn shaqooyinka ay u xil saaran yihiin.

Kadib ansixintii Miisaaniyadda 2018 ayaa waxaa dhacday in Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare ay madaxweyne Farmaajo ka dalbadeen inuusan saxiixin miisaaniyadda oo uu geeyo Aqalka Sare, waxaana dood arrintaasi ka dhalatay oo wasiirka Dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh ku tilmaamay sharci darro, kadib uu madaxweyne Farmaajo ogolaaday inuu ogolaanshaha Aqalka sare ku saxiixo miisaaniyadda.

Kulankii shalay ayey cod ugu qaadeen Aqalka sare in Madaxweynaha saxiixi karo Miisaaniyadda iyo inkale iyagoo aan ka doodin sidii ay hore ololaha ugu galeen, waxaana cod loo qaaday ay madaxweyne Farmaajo u aqbalay inuu saxiixo, arrintan oo la yaab ku noqotay sharci-yaqaanadda.

Dastuurka KMG ah ayaa Madaxweyne Farmaajo awood uu siinaya saxiixa sharciyada iyo go’aannada Golaha Shacabka u soo gudbiyeen, laakiin waxaa laga yaabaa in Aqalka Sare oo baadi goobaya awoodo cusub markii maamul goboleedyada ay shaqadiisii la wareegeen ay qaataan mid ka mida awoodaha madaxweynaha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON