Monday, July 14, 2025

XOG: Axmed Madoobe oo diiday Talo soo jeedintii Guddi loo saaray Arrinta Gedo iyo Jawaab laga sugayo

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa diiday talo soo jeedin ka timid Guddi ka mida madaxda ka qeyb glaeysa shirka Dhuusmaareeb 4 si xal loogu helo arrinta Gobolka Gedo iyo sidii doorasho loogu qaban lahaa.

Arrinta Gedo oo ah qodobka ugu adag ee ay isku hayaan Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaa shalay loo saaray Guddi ay ka mid yihiin Madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni, Hirshabelle Cali C/llaahi Xuseen iyo K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen, iyadoo soo jeediyey tallooyin ay ka mid yihiin; In magaalada Garbahaarey la geeyo Booliska AMISOM, amniga Doorashadana lagu wareejiiyo, sidaasina ay Guddiya Doorashada Jubbaland uga howlgalaan.

Arritan ayaa waxaa ka hor yimid Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo shardi ka dhigay in maamulka Gedo iyo Garbahaarey lagu wareejiyo Jubbaland iyo madaxdii hore ugu magacawneyd, isla markaana maamulkiisa Jubbaland uu yeesho howlaha Doorsahada.

Wararklii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dood kale oo arrinta laga galay laga dalbaday Axmed Madoobe inuu la yimaado qorshaha uu doonayo inuu Doorasho uga qabto Garbahaarey, kadibna shirka kusoo celiyo.

Axmed Madoobe ayaa markaas kadib shirka la wadaagay inuu la tashanayo madaxda la socota oo leh heer federaal iyo Jubaland, kadibna dalabkiisa kusoo celin doono shirka. Arrinta Gedo ayaa ah tan ugu adag ee hortaalla shirka Dhuusamareeb 4.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON