Monday, June 23, 2025

XOG: Cabdi Xaashi oo ka badbaaday 5 Qorshe oo Madaxweyne Farmaajo Cadaadis ku saaray

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa cadaadiskii ugu weynaa saaray Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi C/llaahi, kadib markii uu ku baaqay shir ay isugu yimaadaan madaxda dowladda, Maamul Goboleedyada iyo daneeyayaasha siyaasadda si looga heshiiyo Doorashada dalka.

Culeysyada waaweyn ee la saaray Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa u badnaa kuwo uga yimid taageerayaaha Madaxweynaha, siiba xubno isugu jira siyaasiyiin iyo ganacsato ka tirsan beesha madaxweynaha kasoo jeeda si ay ugu qanciyaan inuu ka laabto baaqa uu soo saaray Guddiga Joogtada Aqalka Sare, kana shaqeeyo in arrimaha Doorashada aysan kaalinm ku yeelan maamul Goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Xogo kala duwan oo ay heshay Goobjooge.net ayaa iftiimineysa shan qorshe oo Madaxweynaha iyo taageerayaashiisa u adeegsadeen Guddoomiyaha Aqalka Sare si ay cadaadis ugu saaraan, iyadoo markii lagu guuleysan waayey uu madaxeynaha qaatay tallaabo uu ku aqoonsaday Madaxweynenimada Axmed Madoobe.

Ad

Shanta Qorshe ee Madaxtooyada u adeegsatay Guddoomiyaha Aqaka Sare ayaa kala ahaa:

1- Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mowliid Guhaad ayaa ka hor yimid go’aankii Guddiga Fulinta Aqalka Sare ee baaqii Aqalka Sare ee shir ay isugu yimaadaan Madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada si heshiis looga gaaro Doorshada dalka 2020/2021. [Akhriso]

2- Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan gaara ugu yeeray Guddoomiyaha Aqalka Sare isagoo ka dalbaday inuu a laabto baaqii uu soo saaray iyo inay wada shaqeeyeen labada aqal si loo meel mariyo Qorshaha Doorashada ee Guddiga ay madaxda u tahay Xaliimo Yarey, kulanka oo lagu kala tegay (Halkan ka akhriso)

- Advertisement -

3- Qorshaha saddexaad ee Gudoomiyaha Aqalka Sare cadaadiska lagu saaray ayaa ahaa abaabulka Mooshin ka dhan ah go’aankiisa, kaasoo uu abaabulay Senator Cabdiwaaxd Cilmi Goonjeex, kaasoo isna ay adkaatay in loo helo senatooro, balse qorshahaasi mid aan laga tanaasulin.

4- Waxaa Cabdi Xaashi kulan la yeeshay Ganacsato iyo xubno ku heyb ah Madaxweyne Farmaajo oo kala hadlay sidii uu madaxweynaha ula shaqeyn lahaa, iyagoo u soo maraya dhinacyo kala duwan oo ay ku jirto in loo diray dad ay saaxiibo yihiin, taasoo iyaduna shaqeyn weyday.

5- Waxaa la abaabulay xubno ka mida Aqalka Sare oo ka horjeeda Guddoomiye Cabdi Xaashi, iyadoo saxaafadda ay hor yimaadeen ilaa 7 senator, waaana weli aan la furin kulamadii Aqalka Sare kalfadhigiisa 7-aad oo laga cabsi qabo inay buuq ku furaan taageerayaasha Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo oo cadaadis weyn ka saarnaa Beesha Caalamka ayaa qaatay tallaabo keentay inuu madaxeyne KMG ah u aqoonsado Axmed Madooobe, isagoo ku baaqay kulan uu la yeesho madaxda maamul Goboleedyada si uu meesha uga saaro kaalinta Aqalka Sare, laakiin waxaan weli laga jawaabin su’aalo ku saabsan suuragalnimada qabsoomida kulankaasi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON