Monday, June 30, 2025

XOG: Cumar C/rashiid oo laga waayay kulankii Baarlamaanka Puntland [Socdaal Qarsoodi ah]

Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya ee xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa laga waayay maanta kulankii Baarlamaanka Puntland.

Kulankan oo lagu dhageysanayay khudbooyinka musharixiinta xilka musharixiinta Aqalka sare ayaanu kasoo xaadirin Cumar C/rashiid oo ka mid ahaa 29 musharax oo u tartamaya kuraasta Puntland ee aqalka sare, waxaana  la is weydiiyay maqnaanshihiisa.

Cumar-CabdirashiidWarar xog-ogaal ah oo aanu ka helnay magaalada Garowe ayaa sheegaya in Cumar C/rashiid uu si qarsoodi ah uga duulay magaalada Garowe iyadoo aan la shaacin halka uu qabtay.  Wararka qaar ayaa sheegaya in looga yeeray magaalada Nairobi  ee dalka Kenya oo la ogyahay inuu taageero ka heysto dowladda dalkaasi.

Maqnaanshaha Cumar C/rashiid ee fadhiga Baarlamaanka Puntland ku dooranayo xubnaha aqalka sare ayaa si toos ah u jebineysa shuruudaha looga baahnaa musharaxiinta u tartamaysa inay Puntland u matalaan kuraasta Aqalka Sare.

Guddiga Doorashada heer gobol ee Puntland, Baarlamaanka Puntland iyo guddiga doorashada dadban ayaan wax war ah ka soo saarin arrintan, waxayna u muuqataa in loo cudurdaari doono

Cumar C/rashiid ayaa lagu waday inuu galabta degdeg ugu laabto magaalada Garowe, si uu berito uga xaadiro kulanka labaad ee dhageysiga khudbooyinka musharixiinta Aqalka sare, taasoo haddii ay suurageli weyso xaaladda uga sii dari doonto.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON