Friday, July 11, 2025

XOG: Dagaalkii Siyaasadeed ee Madaxweyne Farmaajo & Axmed Madoobe oo sii xoogeystay

Iyadoo shirkii Dhuusamareeb II ay shirar xiriir ah yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmed Islaam, isla markaana heshiis hoose ku gaareen ayaa waxaa weli socda dagaalkii siyaasadeed ee labada dhinac oo salkiisu yahay Gobolka Gedo.

Maalin ka hor intii aanu Axmed Madoobe tegin Muqdisho waxaa magaalada Beledxaawo ku dhammaaday shir wadatashi ah oo maamulka Gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya magacawday ku shaaciyey inuusan aqoonsaneyn Axmed Madoobe, Gobolka Gedo-na uu iskiis u taagan yahay. (Akhri Warkan)

Axmed Madoobe ayaa dhinaciisa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay qas ka wado Gobolka Gedo, kadib War-saxaafadeed uu ku qaadacay Heshiiskii Doorashada ee Dhuusamareeb III, waxaana mar kale labada dhinac ay siyaasad ahaan ku dagaalamayaan Gobolka Gedo oo Madaxweynaha Soomaaliya uu ciidamo badan hore ugu diray.

Tallaabadii ugu weyneyd ayuu qaaday Axmed Modoobe markii uu wafdigiisa tegay magaalada Muqdisho kusoo daray Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee uu isagu magacaabay, kaasoo ka qeyb galay shirarkii uu Beesha Caalamka la yeeshay ee arrimaha Doorashada dalka, taasoo weji cusub gelisay loolanka siyaasaadeed iyo is aamindarrada labada dhinac.

Axmed Madoobe iyo Faarmaajo

Aqoonsigii Madaxtooyada Soomaaliya ee in Axmed Madoobe yahay Madaxweyne KMG ah muddo 2 sano ah ayaa kaliya keenay sharciyad uu helay Axmed Madoobe, waxaana dhicisoobay heshiiskii Dhuusamareeb ee caadiyeynta xiriirka Madaxtooyada Soomaaliya iyo Jubbaland.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON