Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa saqda Dhexe xilliga Muqdisho la baahinayaa Khudbad laga duubay oo ku saabsan xaaladda Dalka.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in khdubadda Farmaajo Warbaahinta laga baahin doono 11:45 PM oo ah daqiiqado ka hor xilliga saqda dhexe ee xiliga Bariga Afrika, waxaana xogta la helay ay sheegeysaa inuu ka hadli doono mowqifkiisa Doorashada dalka.
Wararka laga helay ilo ku sugan Madaxtooyada ayaa sheegaya in Farmaajo uu taageeri doono heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble shalay ku gaareen Muqdisho ee sixitaanka Doorashada iyo in muddo 40 maalmood ah lagu soo afjaro Doorashada Golaha Shacabka.
Khudbadda Farmaajo ayaa lagu sheegay inay noqon doonto mid xal doon ah oo uu ku muujinayo inuu taageersan yahay doorasho hufan oo dalka ka dhacda, sida ugu dhaqsiyaha badan.
Mowqifka Farmaajo ayaa imaanaya xilli uu cadaadis badan kala kulmay dhinacyo kala, isla markaan ay shaqeyn waayeen dhammaan amarradii uu soo saaray ee uu doonayey inuu xilka uga joojiyo Ra’iisal wasaaraha.
