Xukuuumadda cusub ee Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa in la hor geeyo Baarlamaanka si codka kalsoonida loogu qaado.
Kulamo ay yeesheen Golaha Wasiirada cusub ayaa ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo guddi loo saaray dhameystirka qorshaha xukuumadda la hortegeyso Baarlamaanka oo gabagabo ah.
Ilo ku dhow xafiiska Ra’iisal wasaare Kheyrre ayaa sheegaya in toddobaadka soo socda gudihiisa, siiba maalinta Isniinta ay Baarlamaanka hortegi doonto xukuumadda cusub, iyadoo Ra’iisal wasaare Kheyre uu ka dalban doono xildhibaanada codka kalsoonida.
In ka badan 40 ka mid Golaha wasiirada ayaa ka mida xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana xubin kasta oo ka mida Golaha wasiirada loo xil saaray inay codad ka raadsato xildhibaanada Baarlamaanka.
Guux weyn oo ka soo yeeray qaar ka mida xildhibaanada ayaa keenay in cabsi laga muujiyo suuragalnimada in xukuumadan ay heli karin kalsoonida Baarlamaanka.
Goobjooge.com