Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ayaa xirtay xafiiska Maaliyadda Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliyeed ee NISA, kadib baaritaan ku socda Hay’adda.
Albaabada Xafiisyada Qeybta Maaliyadda NISA ayaa hanti-dhowrka uu ku dhejiyay calaamado muujinaya inaan la furi karin, iyadoo uu ku socdo baaritaan ku saabsan ‘xisaab xil ma leh’, waxaana wararku sheegayaan in hay’adda oo miisaaniyadda dowladda ku leh lacag fara badan la baarayo qaabka loo maamulay.
Waxaa baariraan ku socdaa Madaxa Maaliyadda NISA Mukhtaar Ismaaciil, iyo madaxa shaqaalaha C/llaahi Kulane, waana markii ugu horeysay ee baaritaan noocaan ah laga soo sheego Hay’adda.
Hay’adda NISA ayaa muddo lix bilood ah lahayn agaasime rasmi ah, waxaana xilkeeda sii haya ku xigeenka Agaasimaha ee Fahad Yaasiin

