Monday, June 23, 2025

XOG: Heshiis Musharax ka dhigaya Farmaajo oo lagu gaarayo Shirka Wadatashiga Doorashada

Shirka Qaran ee wadatashiga Doorashada ayaa galay maalintii labaad iyadoo dhinacyada ay ka doodayaan sida looga gudbayo caqabadaha hortaagan doorashada.

Xogta laga helay shirka ayaa sheegeysa inuu socdo Qorshe shirka lagu soo gabagabeynayo toddobaadkan, iyadoo arrimaha la isku hayo loo xil saarayo Guddiyo kasoo shaqeeya, isla markaana la cayimayo in Doorashadu ku dhacdo muddo 3 ilaa 4 bilood ah.

Dhinaca kale waxaa heshiiska la saxiixayo lagu darayaa qodob lagu soo afjarayo awoodda madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaasoo ku saabsan inuu yahay musharax, isla markaana uu howlaha dowladda iyo doorashada wadi doono Ra’iisal wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble.

Ad

Arrintan ayaa muhiim u ah in heshiiska doorashada ka badbaado faragelin uga timaada Farmaajo oo aan weli qorin qoraal in muddo ah laga dalbanayey oo ku saabsan inuu xadido awoodiisa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON